Maamulka Somaliland oo ka Digtay Khasaaraha ka Dhalan Kara Roobab Mahiigaan ah..

Somalia news

Qoraal ay soo saartay Waaxda Horumarinta Beeraha ee Maamulka Gooni goosadka Somaliland ayaa saadaal ay ku sheegay in bishaan aynu ku jirno ee October 24-ka ilaa 31-ka ay qaar ka mid ah Degaanada Somaliland ka di’i doonaan roobab Mahiigaan ah oo xaddiga biyuhu sareeyo, waxaana Shacbiga loogu baaqay Fejignaan dheeri ah…

Waaxadu, waxay carrabowday in Xeebaha Awdal, Berbera iyo qaybo ka mid ah Magaalada Hargeysa ay ka da’i doonaan roobab xaddiggooda lagu qiyaasay 150 Milli Mitir ilaa 200 Milli Mitir, kuwaasoo sababi kara fatahaado iyo daadad xoogan oo laga cabsi qabo inay khasaare u geystaan Dadka iyo Duunyada.

Waaxda Beeraha Somaliland, ayaa sidoo kale waxey shaacisay in Gobolka Togdheer  la saadalinayo in qaybo ka mid ah ay ka da’aan rooobab xaddigooodu gaadhayo 50 ilaa 100-mm, Saadaasha ayaa intaasi ku dartay in maalmihii la soo dhaafay ay Badwaynta India ay ka kacday duufaan loogu magac daray “Tropical Cyclone Category Five “TeJ”, dufaantaas oo ku waajahan Dalalka Yamen iyo Cumaan sida saadaashan Waaxdu lagu sheegay, sidaas si lamid ah na qaybo ka mid ah Degaanada Somaliland ay heli doonaan roobab aad u badan.

283820cookie-checkMaamulka Somaliland oo ka Digtay Khasaaraha ka Dhalan Kara Roobab Mahiigaan ah..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com