Dubai Oo Xayiraad Ku Rogtay Duulimaadyada Kenya

Somalia news

Wararka hordhaca ah ee naga soo gaaraya Magaalada Dubai Ee Dalka UAE ayaa sheegaya in Maamulka Caafimaadka Magaalada ay xayiraad muddo 48-saac ah ku soo rogeen Dhamaan diyaaradaha ka imaanaya Dalka Kenya, kadib markii ay kordheen Tirada Kiisaska Covid-19..

Awaamiirta cusub ayaa dhaqangashay 20-kii December 0930 subaxnimadii saacada Kenya, si kastaba ha ahaatee, Waxaa la sheegay in xayiraadani aysan saameyn ku yeelan doonin Diyaaradaha Xamuulka qaada, iyadoo amarkani uusan saameyn ku yeelan doonin Duulimaadyada ka taga Magaalada Dubai.

Hakinta Duulimaadyada ayaa la sheegay iney ku biiri doonto liis dalal Afrika ah Oo ay horey u soo saareen Maamulka Dubai, waxaana ka mid ah Dalalka South Africa iyo Nigeria, Dalka Kenya ayaa la sheegay inuu si xowli ah u kordheen Dadka uu soo ritay Cudurka Omicron , kuwaasoo tiradoodu lagu sheegay 263,707 kiisas cusub, halka dhimashada lagu qiyaasay 5,353 ilaa axadii la soo dhaafay.

157350cookie-checkDubai Oo Xayiraad Ku Rogtay Duulimaadyada Kenya