Dagaalka Guricel & Qorshaha Baracinta Bulshada Degaanka

Somalia news

Dagaal aan qorshe ku fadhin Oo maalintii 4-aad galay ayaa ka socda Magaalada Guricel, iyadoo burbur xoogan loo geystay Dhismayaasha Magaalada, dagaalkaan ayaa dhaliyay khasaare xoogan una badan Kooxaha ku dagaalamaaya gacan ku heynta degaanka…

Maamulada Fashilmay ee Qorqor iyo Farmaajo ayaa u diray degaanka dhowr kun Ciidamada Dowladda iyo Maleeshiyaad qaab qabiil u abaabulan, iyagoo qorsheystay iney 1-2 maalmood gudahood ku soo af jaraan duulaanka, ayaan darrase ma muuqato in Qorshahaasi u fulo sababo la xiriira Strateejiyad La’aan qorshe xumo ku dhisan laab la kac been ah.

Horumar La’aanta Duulaanka ayaa lagu sheegay in 5-qodob ay sabab u yihiiin kuwaasoo kala ah:

-Qorshe xumida Hogaanka sare ee Dowladda Federaalka iyo kan Galmudug Oo Ka Soo duulaaya Dhuusa mareeb dhaawacyada u qaadaaya isla magaaladaasi, la kulamaaya jid galo joogto ah.

-Difaaca Kooxda Suufiyada ee Hogaankooda oo ku sugan Xarunta Jaamacadaha kuna khasabtay Dhalinyarada degaanka iyo kuwa xeeraan iney ku mintidaan Shiikha Xerta, Dagaalka a Ka Dhigay mid “Caqiido” halka Farmaajo Oo Mogadishu ka abaabulaayo Qorqorna uu Dhuusa mareeb ku dhuumaaleysanaayo, kuna heshiiyay iney barakiciyaan Bulshada degaanka.

-Taakuleynta joogtada ah, Kooxda Ahlu sunnada ayaa la sheegay in Taakuleyn iyo gurmad ka helayaan Dadka degaanka oo u arka in duulaan qaawan Oo qaab qabiil ah ugu soo duuleen Farmaajo iyo Qorqor doonayana iney qabsadaan degaanada beesha Ceyr degto.

-Aqoonta degaanka, Xoogaga Ahlu sunnada ayaa la sheegay iney aad u yaqaanaan degaanka, iyagoo dagaalo lagu riiqmay kula galay Kooxda argagixisada Shababka isla markaasna ku jabiyay.

-Saameynta iyo taageerada dadban Ciidamada Ethiopia ee Dagaalka Oo Xaalada sii adkeysay.

147690cookie-checkDagaalka Guricel & Qorshaha Baracinta Bulshada Degaanka