Guddiga Tartanka Adeega Xajka oo soo saaray Shuruudaha Shirkadaha Xajka ee 2024..

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qoraal ay soo saareen Guddiga tartanka adeegga Xajka ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, kuwaasoo laga rabo Shuruudo Shirkadaha ku tartamaya Adeegyada Xajka ee 1445/2024 iney fuliyaan..

Wararka ayaa sheegaya in Qoraal kasoo baxay Guddiga Tartanka Adeega Xajka ee uu magacaabay Wasiirka Wasaarada ayaa lagu faray shirkadaha duulimadyada ee daneynaaya iney ka shaqeyaan arrimaha xajka in soo buuxiyaan shuruudaha hoos ku xusan:-

-Soo gudbinta Codsiga ka qeybgalka Tartanka adeega Xajka 1445/2024.

-In Milkiilayaasha Shirkadaha ay yihiin Muwaadiniin Soomaaliyeed, soona gudbiyaan Dukumentiyada xaqiijinaaya Muwaadinimadooda kaasoo aan dhacsaneyn.

-Soo gudbinta warbixin kooban ee Shirkadda ay ku cad yihiin ciwaanada shirkada kuna qoran af Soomaali.

285990cookie-checkGuddiga Tartanka Adeega Xajka oo soo saaray Shuruudaha Shirkadaha Xajka ee 2024..