Amisom Oo Lagu Eedeeyay Iney Qeyb Ka Tahay Dagaalka

Africa News Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa eedeymo xoogan oo loo jeediyay Hogaanka Rayidka iyo Saraakiisha Ciidamada Amisom iney qeyb ka yihiin Dagaalka ka socda Magaalada Guricel Ee Gobolka Galguduud, isla markaasna la safteen dhinac ka mid ah Kooxaha ku dagaalamaya Magaalada..

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Madaxa Howlgalada Ee Maamulka Rayidka Amisom Mr.Francisco Madeira iyo Saraakiil ka soo jeeda Dalka Ethiopia ay si dadban Taageero saanad u badan u gaarsiiyeen Dagaal oogayaasha Farmaajo & Qorqor si gaar ah waxaa diyaarado si qarsoodi loogu daabulay rasaasta noocyada Zuu 23-mm 37-mm Noocyada rasaasta hoobiyayaasha 60-mm iyo rasaasta qoriga P-10.

Rasaas taan ayaa laga bixiyay bakhaarada Keydka Magaalooyinka B/weyne iyo Dhuusa mareeb ku leeyihiin Ciidamada Amisom, talaabadaan ayaa u muuqata mid dhexdhexaadnimadii Ciidamada Amisom ay jebiyeen isla markaasna ay la safteen daraf ka mid ah kuwa ku dagaalamaaya Magaalada Guricel, dagaalkaan Oo aan wax horumar ah laga sameynin marka laga rabo burburka guryaha iyo barakicinta Bulshada degaanka.

147730cookie-checkAmisom Oo Lagu Eedeeyay Iney Qeyb Ka Tahay Dagaalka