Dalalka Bariga Dhexe Oo Cabsi Colaad & Dagaal Lagu Hoobto oo Soo Food Saartay..

Security World

Saacadihii ugu dambeeyay guud ahaan Mandiqada Bariga dhexe waxaa dul heehaabayay cabsi Colaadeed iyo inuu ka qarxo dagaal lagu hoobto, iyadoo Dowlada Israel oo kaashaneysa USA ay digniino ay sii deysay ku xaqiijisay iney Weerar Diyaarado iyo Gantaalo ku qaadi doonto Goobaha Shidaalka, Xarumaha Nucliyeerka Dalka Iran..

Khubarada Arrimaha Ciidamada & Amaanka ayaa aaminsan in Isra’el aysan qaadi karin weerar macno leh oo ka dhan ah Dalka Iran oo ay ka maqan tahay wada shaqeynta ballaaran ee Hawlgalka Mareykanka, Haddii Maraykanku uu Isra’el ka caawiyo dhanka Diyaaradaha Booyadaha ee diyaaradaha dagaalka ee duqeynta Iran, dhamaan Farsiimada Militariga Mareykanka ee Gobolka Bariga Dhexe ayaa bartilmaameed noqon doonaa, dagaalkana waji kale ayuu yeelan doonaa.

Duqeymaha Isra’el ee Dalka Lebanon

Isra’il ayaa duqaymo Diyaaradeed ka geysatay konfurta Magaalada Beyruut kadib markii Ciidamada Lugta Khasaare xoogan loogu geystay Xadka labada Dal 2-Maalmood ee u dambeeyay, waxaana soo shaac baxaaya Qax ka bilaawday Konfurta Lebanon, sababo la xiriira Dagaalka u dhaxeeya Xoogaga Xisbullah iyo Ciidamada Yuhuuda.

Duqeynta Isra’el ay ka geysatay wadada weyn ee u dhow xuduudka Lubnaan ee Masnaa ee ay la wadaagto Syria ayaa gebi ahaanba hakiyay isu socodka halbowlaha muhiimka ah, Boqolaal Qof oo markii hore isku dayay inay Lubnaan baabuur kaga baxsadaan ayaa hadda lagu qasbay inay lug ku maraan, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Awooda luntay:-

Horraantii usbuucii hore, Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron wuxuu sheegay inuu ka soo horjeedo Lubnaan “iney noqoto Gaza cusub”, isagoo tixraacaya dagaalka muddada sanadka ah ee Israa’iil ku haysa Degaanka Falastiin, kaasoo ay ku dhinteen ku dhawaad ​​42,000 oo Qof oo u badan Caruur iyo Haween, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Falastiin.

Cabsida Reer Galbeedka & Yuhuuda ee Tijaabada Nukliyerka Iran & Xiritaanka Marinka Hormuz

Saacadihii ugu dambeeyay waxaa soo shaac baxaayay Dhul gariir ka dhacay bartamaha Dhulka Saxaraha Iran kaasoo xadiga lagu quyaasay inuu gaaraayo 4,5 (richter scale), hadii ay dhab noqoto in Dalka Iran uu tijaabiyay Bam-ka Nukliyeerka wuxuu ka mid noqon doonaa Dalalka heysta Qumbuladaan halista ah, ku darsoo waxaa soo shaac baxaaya in Dalka Iran uu qorsheyay inuu gebi ahaan xiri doono ama Minooyin gelin doono Marinka Hormuz oo ah halka ay maraan Maraakiibta Shidaalka Aduunka, iyadoo laga cabdi qabo in qiimaha Shidaalka halkii Fuusto (Barmiil) uu kor u dhaafi doono 200-US$.

345480cookie-checkDalalka Bariga Dhexe Oo Cabsi Colaad & Dagaal Lagu Hoobto oo Soo Food Saartay..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *