Maxaa Xiligaan Keenay Khilaafka u Dhaxeeya Wasiirka Maaliyada & Xildhibaan Baarlamaanka ka Tirsan..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Qoraal cabasho oo soo bandhigay Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib oo ku taariikheysan 30-kii-04-2023, kaasoo salka ku heysa Shaqo ka joojin lagu fuliyay Mrs.Ayaan Saciid Tukaale oo ka mid aheyd Shaqaalaha Mashruuca RCRF, iyadoo lagu bedelay Qof qaraabo dhow la ah Wasiirka Maaliyada…

Fadeexadaan ayaa la sheegay iney saameysay Mashruuca Deynta Cafinta Somalia, iyadoo uu Xildhibaanka ku eedeeyay Wasiirka Maaliyada inuu kkkk ula kacay Muwaafinadaan Cabsi Gelin, Hanjabaado iyo caburin maskaxeed, wuxuuna qoraalkiisa u diray Hey’adaha Dowladda iyo kuwa Caalamiga ah sida ku car Qoraalkiisa, taasoo wax u dhimi karta Hanaanka iyo geedi socodka Deyn Cafinta Dalka.

Halka Qoraal jawaab celin ah oo soo saaray Wasiirka Maaliyada Mr.Cilmi Maxamed Nuur kuna taariikheysan 06-5-2023 ayuu kaga codsaday Gudoonka Golaha Shacbiga iney guddi baariseed loo saaro Eedeynaha uu u jeediyay Xildhibaan Abiib, isagoo ku eedeeyay inuu ku kacay sumcad dil, qoraalka Xildhibaanka oo uu sheegay iney ka buuxaan eedeymo been ah.

255940cookie-checkMaxaa Xiligaan Keenay Khilaafka u Dhaxeeya Wasiirka Maaliyada & Xildhibaan Baarlamaanka ka Tirsan..