Dalalka ku Bahoobay BRICS Oo Qorsheynaaya Iney Dejiyaan Nidaam Lacageed Oo Looga Maarmo Dollar-ka

Economie Travel World

Khubarada arrimaha Dhaqaalaha ee Dalalka ku bahoobay BRICS ayaa muddo waday daraasado looga maarmo ku tirsananta Lacagaha Dollar-ka ($) US oo inta badan Ganacsiga Aduunka wax lagu kala iibsanaayay laga soo bilaabo sanadkii 1972-dii, iyadoo Daraasadan laga yaabo iney noqoto “Bombshell’ Sanadkaan…

inta badan Dalalka Aduunka waxay haysataa qaab-dhismeedka ku filan lacagta dhexe ee gacanta lagu dhigay 80 sano ka hor Bretton Woods iyo ceebaheeda ba’an, khasaare dabadheeraad ah oo sii hurinaya kharashaadka millatariga ee ma’suuliyad-darrada ah oo u dhigabta “xumbo mala awaal ah”, iyadoo Dalka USA uu siyaasadiisa ku saleeyay cunaqabatayn, ku xadgudubka dejinta iyo kaabayaasha lacag bixinta, ilaalinta iyo garqaad la’aanta cadaalada.

La wareegidda USA ee Hantida Russia waxa ay ka dhigaysaa lacag-dhaafis-Dollar, Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa meel mariyay sharciga REPO oo dhaban ahaan loogu magac daray, kaasoo u sahlaya Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden inuu la wareego ku dhawaad ​​6-Billions US$ hantida Dowlada iyo Ganacsatada Russia ee la xayiray ee lagu hayo Bangiyada Mareykanka una diro Ukraine, talabaadani oo aan waafaqsaneyd xeerarka Caalamiga ah, waxeyna horseedi kartaa in Shirkadaha USA ee Maalgashtay Dalka Russia lagala wareegi hantidooda.

Siyaasadahaan seef la boodnimada ah ee USA & UK ay hormuudka ka yihiin waxey horseedi doontaa in laga aamin baxo Lacagta US$ oo haatan sii qiima beeleysa marka loo fiiriyo 1990-kii, Mareykanku wuxuu isticmaalay heerka lacagta muhiimka ah ee dollarka si uu u dhoofiyo sicir-bararka isaga oo socodsiinaya dheelitirnaanta lacag-bixinta sannadihii 1950-kii iyo 1960-kii.

326710cookie-checkDalalka ku Bahoobay BRICS Oo Qorsheynaaya Iney Dejiyaan Nidaam Lacageed Oo Looga Maarmo Dollar-ka