Tiro Hoobiyayaal ah oo Aroortii hore ee Saakay Lagu Gaaray Xarunta Villa Somalia..

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar hoobiyayaal ah oo saakay salaadii subax lagu garaacay Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ee Muqdisho, waxaana madaafiicdaasi ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac…

Dadka magaalada Muqdisho oo badi xilligaaai ku jira hurdada halka qaar kale ay socdeen Masaajidyada, dukashada salaada subax ayaa mar qura la maqlay dhawaqa tiro ilaa Shan Hoobiye, kuwaasoo loo tuurayay jihada ay ku taallo xarunta Madaxtooyada Dalka.

Mid kamid ah madaafiicda saakay lagu tuuray xarunta madaxtooyada Somalia ayaa ku dhacay guri dad shacab ah degan yihiin oo kuyaalla xaafad katirsan degmada Wardhiigley ee Gobolka Benaadir.

Inta la xaqiijiyay Aabe iyo Gabar uu dhalay ayaa ku geeriyoodeen Hoobiyaha gurigooda ku dhacay, waxaa sidoo kale madfacaasi ku dhaawacantay Hooyada Qoyska iyo xubno kale, Aabaha dhintay ayaana la sheegay inuu ahaa Macalin dugsi Qur’aan (Macallin Aweys).

263970cookie-checkTiro Hoobiyayaal ah oo Aroortii hore ee Saakay Lagu Gaaray Xarunta Villa Somalia..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com