Somalia oo ka mid Noqotay 10-Dal ee Aduunka ugu Dembiyada Badan..

World

Hey’adda Tirakoobka Aduunka ( World of Statistic) ayaa soo bandhigtay qiimeynta Wadamada Aduunka ugu dembiyada badan, waxaana ka soo muuqday Dalka Somalia, iyadoo ay ku soo baxday kaalinta 8-aad, iyadoo kaalinta 1-aad ay gashay Dalka Venezuela ee Konfurta Latin America…

Dembiyada ka dhaca Dalka Somalia ayaa la sheegay iney isugu jiraan Dilal qorsheysan, weeraro argagixido, Ciyaal weero iyo dhaca, iyadoo inta badan dembiyadaan ay geystaan kooxaha Argagixisada Shababka, Daacishta iyo kooxo Abaabulan oo burcad hubeysan, ku darsoo Ciidamada Dowlada Federaalka ayaa iyaguna lagu eedeeyay iney geystaan Dilal bareer ah.

Waxaase aad looga yaabay in warbixintaa lagu qariyo Dalalka USA (55-aad), UK (65-aad) India (77-aad), halka Dalalka Turkiga 92-aad, Germany 100-aad iyo Jaban oo ku doo baxday kaalinta 135-aad,

251360cookie-checkSomalia oo ka mid Noqotay 10-Dal ee Aduunka ugu Dembiyada Badan..