Dalka Qatar Oo Lagu Eedeeyay Maalgelinta Kooxaha Argagixisada

World

Todobaadkaan ayaa la filayaa iney ka bilaabato dhageysiga dacwad ay eedeysanayaal ka yihiin Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Qatar kuwa horey uga tirsanaa iyo Ganacsato u dhalatay dalkaasi, kuwaasoo lagu eedeeyay iney Boqolaal Millions US$ ah ku maalgeliyeen Kooxaha argagixisada…

Maalgelinta Kooxda Argagixisada ee Nusra Front oo dagaalada ka wada Dalalka Syria iyo Iraq, ayaa la sheegay iney dhibaato ka soo gaartay dad rayid ah oo u dhashay Dalka Syria, kuwaasoo Xeer-beegta Maxkamada ka codsaday iney mag dhow u xukunto, dhibanashaan (9-xubnood) oo dhibaatada ku dhacday Mas’uuliyadeeda saareen 2-Bank oo Qatar ah iyo Hey’addo Kheyriyaad, Siyaasiyiin, Ganacsato ka soo jeeda Dalka Qatar iney dhaqaale u diri jireen Kooxda Argagixisada Nusra Front oo gacan saar la laheyd Kooxda Al-Qa’ida.

Eedeysanayaasha ayaa waxaa ka mid ah Hamad bin Jassim Al-Thani oo ahaa Ra’iisul wasaarihii hore Ee Qatar iyo Abdulhadi Mana Al-Hajri oo iska leh Hoteelka Ritz Hotel oo ku yaal Magaalada London, Qareenada Eedeysanyaasha ayaa beeniyay Eedaha loo jeediyay Shaqsiyaadkaan.

Dacwad aan oo la dhigay Qeybta Ganacsiga Ee Maxkamada Sare ee Dalka Ingriiska, ayaa waxaa kaloo ka mid ah Eedaha loo heysto shaqsiyaadkaan lacago la is-daba mariyay ( Mony Laundry), kuwa lagu qarsaday dhismayaal laga Iibiyay Dalka Turkiga kadibna lagu maal geliyay Kooxda Argagixisada Nusra Front, waxaana loo dheg taagayaa bilowga Maxkamada.

122900cookie-checkDalka Qatar Oo Lagu Eedeeyay Maalgelinta Kooxaha Argagixisada