Dagaal Beeleed Ka Dhacay Gobolka Galguduud

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya degaanka Baxdo Gaabo Ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi uu dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan isla markaasna soo gaaray xalay xilli dambe uu ku dhex-maray labada maleeshiyo Beeleed….

Xogaha hordhaca ah Ayaa tilmaamaya in dirirtaan ay salka ku heyso dhul ku yaal tuulooyinka lagu dagaalamay, iyadoo dagaalka labada Maleeshiyaad Beeleed u noqoday soo now noqday oo loo caal waayay in xal laga gaaro, waxaana inta la xaqiijiyay ku geeriyooday 2 Ruux halka saddex kale ay ku dhaawacmeen.

Dadka degaannada lagu dagaalamay ayaa waxaa ay sheegeen in xalay xilli dambe uu dagaalka joogsaday, hayeeshee weli la dareemayo xiisad colaadeed oo u dhaxeeysa labada maleeshiyo Beeleed.

Saraakiisha Ciidamada dowladda ee Gobolka Galgaduud iyo Mas’uuliyiinta Maamulka Galmudug weli dagaalkaas kama hadlin, waxaana sidaan oo kale uu dhowr jeer dagaal Beeleedka uu uga dhacay degaano u dhow Deegaanka Baxdo Gaabo Ee Gobolka Galgaduud.

122930cookie-checkDagaal Beeleed Ka Dhacay Gobolka Galguduud