Q/Midoobay Oo Dacwad kusoo Oogeysa Jaamacadda Prof. Cali Geedi ee UNAS.

Somalia news World


War kasoo baxay Xafiirka Q/Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu caddeeyay in Jaamacadda uu leeyahay Siyaasiga Proff. Cali Maxamed Geedi ee United Nations Academy of Somalia (UNAS) aysan wax xiriir ah la lahan UN-ka….

Qoraalka UNSOM ayaa lagu sheegay in Jaamacadda UNAS aysan codsan, isla markaana aysan bixin ruqsad lagu isticmaali magaca iyo Astaanta UN-ka, waxayna xiriir la sameysay dhammaan dadka ay quseyso arrintan sida sharci darrada ah loo adeegsanayo magaca UN-ka, ayna dacwad sharci ah kusoo oogeyso, iyadoo jaamacadda loogu baaqay inay joojiso adeegsiga magaca Q/Midoobay.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA 

Iyadoo laga jawaabayo weydiimo, Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay dooneysaa inay caddeyso inuusan jirin wax xiriir ah oo ka dhexeeya Ururka Qaramada Midoobay iyo waxa loogu yeero ‘United Nations Academy of Somalia (UNAS).’ 

Adeegsiga sharciga ah ee magaca iyo astaanta Qaramada Midoobay kaliya waxaa lagu heli karaa kaddib marka la maro hannaan adag oo codsi ah oo u baahan oggolaansho qoraal ah oo ka yimaada Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

‘UNAS’ ma codsan mana helin rukhsad ay ku isticmaasho magaca QM ama astaanta. Oggolaansho weligiis ma siinin Xoghayaha Guud arrin laga leeyahay u jeeddooyin ganacsi oo gaar ah, sida nooca ay ku howlgashay UNAS.

Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay xiriir la sameysay ‘UNAS,’ mas’uuliyiinta Soomaaliya iyo shabakadaha caalamiga ah oo ay quseyso ee dhanka Internet-ka iyo hay’adaha warbaahinta bulshada oo ay ku wargalisay arrintaa ku saabsan adeegsiga aan sharciga aheyn ee magaca iyo astaanta Qaramada Midoobay, waxa ayna la beegsaneysaa dacwad sharci ah, oo ah in UNAS ay joojiso adeegsigaas.

43260cookie-checkQ/Midoobay Oo Dacwad kusoo Oogeysa Jaamacadda Prof. Cali Geedi ee UNAS.