Dalka Sweden oo ballaarineysa Iskaashiga Gargaarka bani’aadannimo ee Somalia..

Domestic News Food Somalia news

Hay’adda Iskaashiga Caalamiga ah ee Horumarinta ee dalka Sweden (SIDA) ayaa ku dhawaaqday iskaashi cusub oo ay la yeelatay Qaramada Midoobay si loo xoojiyo dadaallada gargaar ee bani’aadannimo ee Somalia, iyadoo diiradda la saarayo horumarinta sugnaanta cuntada iyo adkeysiga bulshooyinka reer miyiga ah…

Hey’adda SIDA ayaa ballanqaadday $3 milyan oo dheeraad ah si ay u taageerto Mashruuca Dhisidda Adkeysiga ee Shabeellaha Dhexe (BRiMS) oo ay hormuud ka tahay Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO), Qorshahaan ayaa ujeedkiisu yahay in la taageero in ka badan 15,000 oo Beeraley ah oo ku nool hareeraha wabiga, iyada oo la horumarinayo helitaanka iyo maareynta biyaha, si dib loogu soo celiyo wax-soosaarka dalagga waraabka leh ee ka jira Degmada Jowhar.

SIDA ayaa horey u bixisay $2 milyan sanadkii 2022, taasoo wadarta guud ee maalgelinta ka dhigeysa $5 milyan saddex sano gudahood. Mashruuca waxaa lagu fulinayaa iskaashi lala leeyahay mas’uuliyiinta maxalliga ah, waxaana ku jira qaybinta agabka beeraha si loo kordhiyo wax-soosaarka, QM ayaa sheegtay in mashruucan ay durba ka faa’iideysteen in ka badan 50,000 oo qof tan iyo markii la bilaabay, iyadoo la qorsheynayo in la gaarsiiyo 20,000 oo kale dhammaadka 2025.

375810cookie-checkDalka Sweden oo ballaarineysa Iskaashiga Gargaarka bani’aadannimo ee Somalia..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *