Shurkadaha Bixiya Adeega Korontada Mogadishu Oo ku Heshiiyay iney Midoobaan…

Somalia news

Warar ayaa laga helayaa qorshe wada hadal oo muddo soo soo socda ayaa ugu damveyntii 3- Shirkadood oo ka mid ah kuwa bixiya adeega korntada ee magaalada Muqdisho ayeey Kulan heshiis ay ku midoobeen ku saxiixdey magaalada Muqdisho…

Wararka ayaa sheegaya in Shirkadaha midoobey ay kala yihiib Shirkadda Korontada ee Banaadir, Shirkadda Tamarta ee BlueSky iyo Shirkadda Mogadishu Supply, iyadoo Shirkadda ugu weyn ee bixisa adeega korontada ee magaalada Muqdisho ayaa ah shirkadda Beco ayaan ka mid aheyn Heshiiskaan, iyadoo ay ku shaqeysataan Dhismayaashii Dowladda ee Wakaaladii Xoogga Korontada Umadda, wazeyna hoos tagtaa Shirkada Hormuud.

Munaasabada isku biirista Shirkadahaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Waaiirka 1-aar ee Dowladda Federaalka Mr.Xamse Cabdi Barre, waxaana ka soo shaqeysey Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha, Mr.Xamse ayaa sheegay iney isku biiristaan ay muhiimadda ay leedahay in Dalka lana helo adeeg koronto oo ku filan Caasimada, taasoo ay awoodi karaan inay iska bixiyaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Shirkadahaan ayaa waxaa ugu tun weyn Shirkaddq BlueSky oo iska leh Shirkadda Dahabshiil, waxaana dagaal ganacsi kala dhaxeeyaa Shirkada Hormuud, kuwaasoo aan weli ku heshiinin iney isku furaan Taleefonada gudaha Dalka, Wasaarada Boostadana ay ku guuldareysatay iney dejiyaan Nidaam suuq furan oo xeer u fududeynaaya adeegatada Isgaarsiinta Dalka.

323070cookie-checkShurkadaha Bixiya Adeega Korontada Mogadishu Oo ku Heshiiyay iney Midoobaan…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *