Qeylo dhaan laga soo saaray Maamul xumo ka taagan Wasaarada Caafimaadka

Health Somalia news

Warbixino hordhac ah ayaa tilmaameysa in Agaasimaha guud Wasaarada Caafimaadka Dowladda Federaalka uu ku kacay falal baxsan Hanaanka shaqo qorista kadib markii uu Shaqaale ahaan u qortay xubno ka soo jeeda ehelkiisa, kuwaasoo si qarsoodi ah loogu qoray Shaqaalaha Caafimaadka qeybta mashaariicda Hey’adaha Caafimaadka Aduunka…

Xogtaan ayaa sheegtay in Wasiirka Caafimaadka Dr.Cali Xaaji Aadan uu ka hor yimid qorshe shaqaale cusub si qarsoodi ah loogu qoray Wasaarada Caafimaadka intii lagu guda jiray Marxalada kala guurka, waxaana falkaasi ku kacay Agaasimaha guud ee Wasaarada Cabdinaasir Mukhtaar Ibraahim, kaasoo qoraal ay ku qoran yihiin 9-Shaqaale oo ehelkiisa ah u gudbiyay Hey’adaha Caafimaadka ee Qaramada Midoobay, laguna taariikheeyay 25-kii August 2021-kii.

Wararka ayaa sheegay in Maamul xumida Agaasimahaan ayaa gaartay in khilaaf uu soo kala dhex galo isaga iyo Wasiirkii hore ee Caafimaadka Fowsiyo Abiikar, talaabadaasi ayaa horseeday iney yaraato wada shaqeyntii u dhaxeysa, ilo wareedyo syaa sheegay in Wasiirka cusub uu ku amray Agaasimaha guud inuu baabi’iyo dhamaan shaqaalaha cusub ee uu qortay waana ka diiday.

212950cookie-checkQeylo dhaan laga soo saaray Maamul xumo ka taagan Wasaarada Caafimaadka
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com