Danjirayaal La Amray Iney..

Politics

Ilo wareedyo ayaa Diinah.com u sheegaya in Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya uu ku amray safiirada Somalia ugaga wakiilka ah dalalka Cummaan iyo Sudan inay dalka ku soo laabtaan…

Safiiradan ayaa loo qabtya muddo afar cisho ah inay dalka ku soo laabtaan si wax looga weydiiyo khilaafka ka dhex jira safiirada iyo shaqaalaha safaaradda.

Safiirka Soomaaliya ee Sudan Maxamed Isaaq Ibraahim iyo la-taliyaha koowaad ee safaaradda Cusmaan Axmed Maxamed ayaa khilaaf sababay gacan ka hadal waxa uu ku dhex maray safaarada gudaheeda.

Hase yeeshee lama oga khilaafka u dhexeeya danjirayaasha iyo shaqaalahooda waxa uu salka ku hayo.

18360cookie-checkDanjirayaal La Amray Iney..