Mucaaradka Sheekh Axmed Madoobe Oo Nairobi..

Politics

Fahmhfaahino ayaa ka soo baxaaya safar ay C/rashiid Maxamed Xidig iyo C/naasir Seeraar Maax oo ahaa mucaaradka Axmed Madoobe ayaa Nairobi u jooga wada hadalo ku saabsan sidii xal looga gaari lahaa xiisadda siyaasaseed ee ka dhalatay doorashadIi Jubbaland…

Dadaalo muddo soo socday oo lagu dhex dhexaadinayay labada dhinac ayaa la sheegay inuu haatan meel dhow soo gaaray, waxaana la sheegay in dadaaladan ay ku jiraan dhinacyo kala duwan oo isugu jira xubno ka tirsan dowladda Kenya, Siyaasiyiin iyo Ganacsato ay isku heyb yihiin labada dhinac ee khilaafka siyaasadeed u dhaxeeya.

C/rashiid Xidig iyo C/naasir Seeraar oo Isniintii la soo dhaafay diyaarad looga soo qaaday magaalada Kismaayo ayaa habeenkii labaad ku hoyday magaalada Nairobi.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in xubno wakiil ka ah Axmed Madoobe ay ku sugan yihiin Nairobi, kuwaasoo qeyb ka ah wada hadalada socda ee lagu dhex dhexaadinayo C/rashiid Xidig iyo C/naasir Seeraar oo dhinac ah iyo dhanka Maamulka Axmed Madoobe.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya C/rashiid Xidig iyo Seeraar iyo dowladda Federaalka uu soo kala dhex galay kala aragti duwanaan ku saabsan xaalada siyaasadeed ee Jubbaland iyo qaabka dowladda Federaalka u maareyneyso arrimaha ka jira Jubbaland.

Dowladda Federaalka ayaa horay taageereysay siyaasiyiintan xilligii ay Kismaayo ka wadeen dhaq dhaqaaqyada ka dhanka ah Axmed Madoobe.

Haddii uu guuleysto dadaaladan socda ee lagu dhex dhexaadinayo Axmed Madoobe iyo mucaaradka ay hoggaaminayaan Xidig iyo Seeraar waxay noqon kartaa in markii u horeysay xal laga gaaro khilaafkii siyaasadeed ee Jubbaland.

20310cookie-checkMucaaradka Sheekh Axmed Madoobe Oo Nairobi..