Daraasad Daaha ka Rogtay in 6000 oo Caruur ah ay Waxbarasho la’aan wajahayaan…

Education Somalia news

Sida ay xaqiijineyso Daraasad ayaa daaha ka rogeysa in 6000-oo Caruur ah ay Waxbarasho la’aan ku wajahayaan Magaalada Mogadishu iyo daafaheeda, iyadoo Hogaanka Wasaarada Waxbarashada ee Dowlada Federaalka lagu eedeeyay iney ka gaabiyeen in Caruurtaan fursado Waxbarasho la siiyo…

Wararka ayaa sheegaya in Daraasad xog-uruurin ay sameeyeen Ururka macalimiinta BAR ay ku ogaadeen in 6000-Caruur ah oo ka soo jeeda qoysas Barakacayaal ah iyo Qoyays Danyar isugu jira oo ku nool Degmooyinka Kaxda, Dayniile iyo Garasbaaley ee Gobolka Banaadir ay waxbarasho la’aan wajahaya.

Daraasada ayaa muujisay in sababta ugu weyn ee carruurtan ay wax u baran la’yihiin ay tahay waalidkood oo aan dhaqaale haysan iyo xeryaha oo aysan ka jirin iskuullo lacag la’aan ah. Farxiyo Maxamed Cali oo haysata 8 carruur ah oo gaaray Da’ada Waxbarshada ayaa sheegtay in aysan waxba dhigan.

Xaaladaan waxay kala siman yihiin 590 qoys oo kula nool xerada barakaca Bil-iyo-xidig ee Degmada Kaxda oo aan lahayn wax iskuul ah, Hooyadaan ayaa sheegtay iney murug ku hayso jahliga Carruurteedu ay ku sugan yihiin, balse aysan u hayn wadadii ay uga saari lahayd, Caqabadaan waxay ka jirtaa Deegaano badan oo Dalka Somalia, maadama ay kooban yihiin iskuulada bilaashka lagu dhigto, Dadka aan awoodin ayna tiradoodu mar-kasta sii kordhayso.

348700cookie-checkDaraasad Daaha ka Rogtay in 6000 oo Caruur ah ay Waxbarasho la’aan wajahayaan…