Ma Dhabaa in Madaxtooyada & Maahir Ay Wada Qorsheeyaan Dilalka Mogadishu

Somalia news

Xilli ay si weyn Shacbiga Soomaaliyeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada uga falceliyeen digniinta amni ee xilli hore lagu daabacay bogga Twitter-ka NISA, loona qaatay in lagu xaaleysanayo dhiigga RW Rooble iyo xubno kale, ayaa haddana la is weydiinayaa shaqsiga uu yahay Maxamed Maahir oo Hay’addu sheegtay inuu qorsheynayo beegsiga Xafiisyada Sar-sare…

Xogo Sirdoon oo u kuurgashay taxliilinta “Qaybta Difaaca Shacabka” ee Hay’adda NISA, ka howl-gala, ayaa lagu xaqiijiyay in Horjoogaha lagu magacaabo Xayir Maxamed Maahir, kaasoo hore uga tirsanaa Kooxda Shabaabka gaar ahaan qeybta Sakawaadka, hayeeshee, ayaa Fahad Yaasiin labo sano ka hor u fududeeyay inuu noqdo sarkaal awood xooggan ku dhex leh Hey’adda Nabad-sugidda.

Macluumaadka ayaa tilmaamaya in Horjooge Maahir, aad ugu dhowyahay nin la yiraahdo Zakariye Ismaaciil, isla-markaana uu galangal ku leeyahay Xafiisyada Madaxweynaha & Ra’iisul Wasaaraha, oo ay ka howl-galaan Saraakiil ay saaxiibo yihiin Hoggaanka NISA, waxa ay doonayaan in Mowjadda Maahir la saaro, xitaa haddii uusan qeyb ka ahayn qorshaha ay damacsan yihiin.

Sida ay ku fasireen dadka u dhuun duleela Arrimaha Amaanka gudaha, Fahad iyo Farmaajo, waxey doonayaan iney u fududeeyaan sidii Koox dabley ah oo laba kaarlayaal ah si fudud loo galin lahaa gudaha Xarunta Madaxtooyada, si ay u beegsadaan hoyga ama Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, oo dhawaan si cad u sheegay in khatarta amni ee dalka mareyso halkii ugu hooseysay.

Waxaa marqaati ma doonto ah in shaqsiga ugu awoodda badan Kooxda Farmaajo uu xiriir qoddo dheer la leeyaahy Kooxda Shababka iyo Ururo ka waaweyn oo Argagixiso iyo sir-doon waddamo shisheeye ah, Fahad Yaasiin, waxaa ku maqan dhamaan dadkii siyaasadda loo dilay shanti sano ee la soo dhaafay oo AUN Xildhibaan Aamno Maxamed Cabdi ugu dambeysa.

180330cookie-checkMa Dhabaa in Madaxtooyada & Maahir Ay Wada Qorsheeyaan Dilalka Mogadishu
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com