Shacbiga Magaalada Mogadishu Oo Ka Mira Dhaliyay Rabitaankooda Dowladnimo

Somalia news

Shacbiga Magaalada Mogadishu micno-weyn ugu ma fadhido inuu Horjoogaha (Farmaajo) hadlo Caawa, Inuu Isdhiibo (Tanaasulo) ama inuu beenta sii wato, waxaase Alle mahadiis ah in la hor-istaagay rabitaankiisa, inkastoo uu Shacbi rayid ah uu qixiyay xilli Ramadan, Guusha la gaaray ayaa ah in la badbaadiyay Dastuurka iyo Dowladnimada Dalka…

Isla xisaabtam waa dambeeyaa, waxaase caawa dad u liita Shaqaalaha raqiiska ah CBB), oo muddo 4-sano ah riyo maalmeed ku jiray, midna waa in Maanka la geliyaa Shacbiga Magaalada Mogadishu ma qaataan Caga-jugleyn, boolo-xoofto iyo Maleeshiyaad Beeleed oo lagu indhasarcaadiyo, iyagoo u dulqaateen 4-sano, waxeyna ilaalinaayeen Qiyaamka Dowladnimo, waxeyse yaqiinsadeen markii 2-sano oo muddo kordhin ah la isku dayay in xoog lagu meel marsado.

Ugu dambeyntii Waxaa haray dhowr qodob oo muhiim ah in la meel mariyo:-

-In Maxkamad lasoo taago oo lagula xisaabtamo Dambiyadii iyo dastuur jebintii dhacday.

-In uusan Musharaxiinta ka mid noqon Taageerayaashiisa kuwa Xildhibaanada iyo Wasiirada ah in laga mamnuuco Soo xulista.

-In uusan helin maamuus Madaxweyne

Qodobadaas waa in la xaqiijiyaa oo laga midoobaa siday uhirgali lahaayeen sidii looga hor tagay mudo kororsigii xaaraanta ahaa, Dowladnimada Somaliya ha guulaysato.

Inta u istaagtay ka hortagga Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo, waxaan leenahay ku naalooda guusha maanta iyo in la dhiso nidaam adag oo sal balaaran si uusan Kalis talis dambe inuu talada maroorsan.

114960cookie-checkShacbiga Magaalada Mogadishu Oo Ka Mira Dhaliyay Rabitaankooda Dowladnimo