Deeqihii Iyo Daawadii Oo lagu Iibinaayo Suuqyada Baydhabo

Health

Warbixino hordhac ah oo naga soo gaaray Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in Magaalada Baydhabo uu si weyn ugu faafay Cudurka Caabuqa ee COVID-19, iyadoo dhanka kalana Wararka la xiriira tirada dhimashada ay aad u korortay, Deeqdii iyo Daawadiina lagu iibinayo Suuqyada Magaalada….

Wararka ayaa soo sheegaya in magaalada laga dareemay saamaynta uu ku sheegay xanuunka dilaaga ah ee COVID-19, ka dib markii ay soo kordheen dadka lagu arkayo astaamaha lagu garto cudurka Caabuqa ee Coronavirus, saddex meelood oo meel dadka Baydhabo ay isu arkayn calaamadaha lagu aqoonsado xanuunka ugu nugul dunida ee la’is qaad-siiyo.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya iney aad kordheen tirada Meydadka lagu aaso xabaalaha ku yaala duleedka Magaalada Baydhabo, iyadoona dadkaasi la rumeysan yihiin inay intooda badan u dhimanayan xanuunkan.

Xogtaan ayaa sheegtay in dadka la ildaran xanuunka ay kaalmaati ahaan u qaataan dawooyinka xanuun baabi’iyaasha iyo weliba dawada xanuunka malaariyada, haddii la musuq maasuqay dawadii iyo agabkii caafimaad ee bulshadaasi loogu talagalay, Waxaa xusid mudan in agabkii ay Dowladda Federaalka u qorsheysay in ay dadka reer Koonfur Galbeed kaga hortaggaan xanuunka COVID-19 lagu iibiyo Suuqa Magaalada Baydhabo, sida gacmo gashiga, kan afka iyo sanka lagu xirto.

36470cookie-checkDeeqihii Iyo Daawadii Oo lagu Iibinaayo Suuqyada Baydhabo