Xayiraado Lagu Soo Rogay Dalal Ay Somalia..

Health

Shirkadda Diyaaradaha ee Imaaraadka Carabta (Emirates), ayaa xayiraado dhanka Safarada ah ku soo rogtay 20-dal oo ay ka mid tahay Somalia, iyagoo sheegay ineysan u qaadi doonin Sacuudiga..

War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiisyada Shirkadda ayaa daaha looga rogay sababta la xiriirta xayiraada ay soo rogtay Boqortooyada Sacuudiga cabsida ay ka qabaan cuddurka Caabuqa dilaaga ah (Coronavirus), bayaankaan ayaa lagu daabacay Mareegtada ay baraha bulshada ku leedahay Shirkadda.

Xayiraadaan ayaa saameyn doonta, Dadka heysta Fiisaha Cumrada iyo Dalxiiska sida lagu sheegay Qoraalka, “Dhamaan Macaamiisha heysta VISA-yaasha dalxiiska ee dalalka China, Iran, Italy, Korea S, Japan, Thailand, Malaysia, Indonesia, Pakistan, Afghanistan, Singapore, India, Philippine, Lebanon, Syria, Yemen, Somalia, Azerbaijan, Uzbekistan, Kazakhstan iyo Vietnam.

Dhamaan Dadka heysta Dal ku galka Cumrada ayaa lagu sheegay Qoraalka in si KMG ah loo joojiyay iney soo cumreystaan goobaha Barakeysan, waxaana la sheegay in Cabsida laga qabo cudurka caabuqa inuu saameeyo Dalka Sacuudiga.

19380cookie-checkXayiraado Lagu Soo Rogay Dalal Ay Somalia..