Degmada Baraawe ayaa laga soo sheegayaa in Cudurka Daacuunka uu ka dilaacay…

Health Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Degmada Baraawe ee Gobolka Shabelada hoose ayaa sheegay inuu ka dilaacay Cudurka Daacuunka (Cholera), iyadoo Bukaano tiro badan oo Cudurku soo ritay la dhigay Isbitaalka Degmada kuwaasoo isugu jira Caruur, Haween iyo Odayaal…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in 108 kiis oo looga shakisan yahay Daacuunka ayaa la dhigay isbitaalka Baraawe tan iyo 25-kii June, iyadoo Muno (Samples) laga qaaday Bukaanada lagu xaqiijiyay inuu Yahay Cudurka Cholera, Wasaaradda caafimaadka ee dowlad goboleedka Konfur Galbeed ayaa ku dhawaaqday in cudurkaasi uu ka dilaacay.

Hey’adaha Gargaarka ayaa loogu iney qaadaan Tallaabo degdeg ah si looga hortago faafitaanka cudurkan dilaaga ah, Dhammaan daneeyayaasha ay khusayso waa iney abaabulaan jawaab-celinta degdegga ah, kooxaha iyo saadka si ay u taageeraan bulshada ay Cudurku saameyay.

334910cookie-checkDegmada Baraawe ayaa laga soo sheegayaa in Cudurka Daacuunka uu ka dilaacay…