Qodob oo Hortaagan Doorashada Golaha Shacabka

Somalia news

Dhowaan waxaa lasoo gabagabeeyey doorashadii  aqalka sare ee Baarlamaanka 11-aad, iyadoo uu qaadatay muddo 4 bil ah, aadan loo saluugay habka iyo hanaanka loo maareeyay, ayaa waxaa dhaqaaqi la’ middii Golaha Shacabka ee ka kooban ilaa 275 xildhibaan taasoo loo aaneynayo sababo badan oo isbiirsaday…

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in doorashada aqalka hoose ay u bilaaban la’dahay sababo la xiriira labo oo deegaan doorasho, iyadoo maamul goboleedyada intooda badan ay doonayaan in doorashada golaha shacabka lagu qabto caasimadaha maamul goboleedyada, oo laga daayo labada deegaan doorasho.

Sidoo kale Waxaa soo baxaaya in baahi dhaqaale oo lagu maalgeliyo Doorashada ay ka mid tahay sababaha hortaagan, ku darsoo Maamulada Gobolada ayaa qorsheysanaayay iney dhaqaale badan ka macaashaan Doorashada ay ku hungoobeen kadib markii soo qorteen dalabyo dhan 27-millions US$, halka kooxda beesha caalamiga ahna ay lacagta doorashada bixinteeda ku xirtay shuruud  ah in ay aragto doorasho hufan, oo ugu yaraan saddex maamul goboleed si caadi ah uga socota.

As the Upper House concludes its elections with women having 26% representation, we urge #Somalia’s leaders to keep the promise of 30% for women in the House of the People by setting aside at least 82 women-only contested seats in the upcoming elections.

Caqabada 3-aad ee doorashada heysato waa khilaafaadka iyo arrimaha amniga iyadoo maamulka Jubbaland aanu tagi karin Gedo, Hirshabellana ku adagtahay Beledweyn, waxaa intaa dheer dagaallada ka socda Galmudug, Baraawe oo go’doon ah iyo arrimo kale.

Waxaa kaloo xaqiiqo in Maamulka Fashilmay Farmaajo iyo Maamulada qaarkood ay qorsheysteen iney boobaan Doorashada, talaabadaan ayaa abuurtay kalsooni darro u dhaxeysa dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada oo la xiriirta xoogista kuraasta golaha shacabka, cid gaar ah in loo xiro, hufnaanta iyo arrimo kale.

Ku darsoo Waxaa jirta cabsi laga qabo in doorashada golaha shacabka ay gaarto ilaa Febraayada 2022, taasi oo ka dhigan in Farmaajo iyo Rooble ay ku sii negaadaan Villa Somalia sanad dheeraad ah, keeni kartana in midowga musharaxiinta ay ku fekeraan tallaabooyin ka dhan ah muddo kordhintaas dadban.

151470cookie-checkQodob oo Hortaagan Doorashada Golaha Shacabka