Kooxda Farmaajo Oo Bilaabay Faafinta Xogaha Qaranka & Dacaayadeynta Mas’uuliyiinta Dowladda

Somalia news

Warbixino hordhac ah ayaa muujinaaya in Kooxda Farmaajo oo ay horgalo u yihiin Cabdi Saciid, Fahad Yaasiin, Kulane Jiis Mareexaan iyo Yaasiin Fareey ayaa bilaabay faafinta dukumintiyo sir ah iyo Dacaayadeyn been abuur ah oo ay ka fidinayaan Saraakiisha iyo Shaqaalaha Dowlada si afdiub iyi cabsi gelin ula shaqeeyaan…

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Horjoogayaasha Kooxdaan oo ku kala sugan Dalalka Ethiopia, Qadar iyo Turkiga ay wada tashiyo dhser kadib ay isla meel dhigeen in dagaal siyaasadeed u isticmaalaan dukumintiyadii iyo macluumaadkii ay diiwaangaliyeen Hey’addaha Amniga iyo kuwa maamul ee Dowladda xilli siyaasadeedkoodii.

Farmaajo oo dhawaan gaaray dalka Turkiga ayaa kulan dhiirri-gelin ah isugu yeeray taageerayaashiisa kuwaas doorashadii kadib ka firxaday magaalada Mogadishu haddana ku sugan wadanka Turkiga, halka qaar kalana ay kulanka uga qeyb galeen qadka Telfoonka, waxa uuna kula dardaarmay iney xoojiyaan Howlaha lagu faafinaauo Dukumentiyada been abuurka ah oo sy wada diyaariyeen Fahad iyo Jiis Mareexaan.

Qaar ka mid ah dadka taageera nidaamkii hore ayaa maanta baahiyay muuqaalka edeysane katirsan AS kaas oo ku jira gacanta Hey’adaha Amniga, balse aysan dowladdu wali soo bandhigin xogtiisa, taasoo hordhac u ah qorshaha ay doonayaan iney ku hawlgalaan Kooxdii xilka ka dagtay.

Khubarada ku xeel dheer arrimaha siyaasada gudaha ayaa ka niyad-jabsan dhaqanka cusub ee Kooxdii fashilmayay waxeyna ku tilmaameen dacaayadahaan cusub ay horseedi doonto in markale aysan soo damcin siyaasadda, isla markaasna aan lagu aamini Karin masiir Dal iyo mid Umadeed.

218700cookie-checkKooxda Farmaajo Oo Bilaabay Faafinta Xogaha Qaranka & Dacaayadeynta Mas’uuliyiinta Dowladda
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com