Dembiilihii Dhaqan-Celinta Kadib Ku Laabtay Kooxda Shababka

Somalia news

Muddo 10-sano iyo dheeraad ayaa Barnaamij ay maalgeliyaan dhaqaale badan ku bixiyeen Dowladda Norway iyo EU-da kuna aadan mashruuca dhaqan celinta Dhalinyarada ka soo goosatada Kooxaha Argagixisada gaar ahaan Shababka ayaa la sheegay inuusan wax miro dhalan noqon loona baahan yahay in dib loogu noqdo Mashruucaasi..

Warbixino welwel Xambaarsan ayaa ka soo baxaaya in Mid ka mid ahaa Dhalinyaradii (Jacfar) ka tirsanaa maxaabiistii Shabaab looga qabtay dagaalkii Suuj iyo Garmaal isago aan weli qaan-gaarin oo ay la wareegtay hay’adda Elman Peace ayaa Sanado dhaqan-celin ah kadib dib ugu biiray Kooxda argagixisada Shabaab.

Dhagar-qabahaan (Jacfar) oo Xoogaga Amaanka Maamulka Puntland mar kale gacanta ku dhigeen ayaa sheegay in uu Kooxda Shabaab ku noqday kadib markii laga fasaxay xarunta dhaqan-celinta hay’adda Elman Peace oo ku taalla Muqdisho loona celiyay Qoyskiisa.

Wiilkaan ayaa sheegay in Cadaadis iyo hanjabaad uga timid Horjoogayaasha Kooxda Shababka kadib uu go’aansaday inuu dib ugu biiro isagoo sheegay inuu cabsaday iney dilaan, Jacfar kaliyah kuma koobna ee tiro badan oo Dhalinyaro ah oo la dhaqan celiyay ayaa dib ugu biiray Kooxdii ay ka howl geli jireen, waxaana talaabadaan u muuqataa in Mashruuca Dhaqan celinta loo baahan yahay in dib looga fiirsado.

150280cookie-checkDembiilihii Dhaqan-Celinta Kadib Ku Laabtay Kooxda Shababka