Madaxweynaha Ukraine Oo Ku Hungoobay Codsi Uu Diray AU-da & Dalka Kenya

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa isku day ay Dowladaha USA, UK & Ukraine ay ku doonaayeen iney culeys ku saaraan Madaxda Dowlada Kenya, si ay u oggolaadaan in Madaxweynaha Ukraine uu khudbad ka jeediyay Labada Aqal Ee Baarlamaanka Kenya..

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Dowladda Kenya ay ku gacan seyrtay codsi kaga yimid Madaxweynaha Ukraine ee ahaa in la abaabulo khudbad uu ka jeedin lahaa Baarlamaanka hortiisa, sida ay qoreen Warbaahinta maxalliga ah. “Maxay ku kaliftay inay ka hadlaan baarlamaanka Kenya?” – waa oraah ka timid sarkaal Kenyan ah.

Wadanka Kenya ayaa ah Dal ka madax banaan Midowga Yurub, UK & USA, kuwaasoo bishii u dambeysa waday Olole ay ku oggoleysiinayaan Baarlamaanada EU-da, Canada, Australia iyo South Korea, waxeyna hadda wadeen in Baarlamaanada Qaarada Africa uu khudbad ka jeediyo Madaxweynaha Ukraine.

Madaxweynaha Ukraine Mr.Volodymyr Zelenksy, ayaa ka codsaday Gudoomiyaha AU-da xiligaan President Macky Sall Madaxweynaha Senegal inuu Khudbad ka jeediyo Midowga Africa, kaasoo ka cudurdaatay sababo la xiriira kadib markii 24-Dal ay ka gaabsadeen iney codkooda ka dhiibtaan Laanta Xuquuqda Aadanaha, waxaana ka soo horjeestay 9-Dal.

181910cookie-checkMadaxweynaha Ukraine Oo Ku Hungoobay Codsi Uu Diray AU-da & Dalka Kenya