Su’aalo laga Keenay Dhimashada Haweeney Soomaaliyeed oo ku Geeriyootay Dalka India..

Somalia news World

Warar dheeraad sh ayaa laga helayaa Haweeney Soomaali ah oo da’deeda lagu sheegay 35 jir, oo meydkeeda laga helay suuliga guri ay degeneyd oo ku yaal Waqooyiga Magaalada  Hyderabad, ee Dalka India, iyadoo su’aalo tuhun badan dhaliyay ay ku gedaaman yihiin Dhimashada Haweeneydaan…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Lamaanahaan ay 21-kii bishii March magaalada Hyderabad u tageen xaalad caafimaad iyagoo wata fiisaha caafimaadka, islamarkaana raadinaya bacriminta uurka, waxay daryeel Caafimaad ku qaadanaysay Isbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaal Secunderabad oo ah xudunta ugu weyn ee caafimaadka ee Hindiya.

Ninkeeda oo lagu magacaabo Liibaan Cabdi Cali, ayaa walaac ka muujiyay markii ay ka jawaabi weyday garaaca albaabka u soo garaacay, Aakhirkii waxa uu xoog ku furay albaabkii oo laga soo xiray gudaha, wuxuuna intaasi raaciyay inuu la kulmay iyada oo dhaawac ah oo dhiig-baxaysa, Isla markiiba waxaa loo qaaday isbitaal gaar loo leeyahay, waxaana la sheegay iney geeriyootay.

Xoogaga Amaanka ee Banjara Hills ayaa kiiska u diiwaan galiyay inuu yahay geeri laga shakisan yahay sida uu dhigayo qeybta 174 ee xeerka ciqaabta Hindiya, Maydka haweeneydan ayaa loo gudbiyay isbitaalka guud ee Osmania si baaritaan (Autopsia) loogu sameeyo waxa sababay geerideeda.

251430cookie-checkSu’aalo laga Keenay Dhimashada Haweeney Soomaaliyeed oo ku Geeriyootay Dalka India..