Dhaqaalaha Ku Baxa Aaska Oo La Kordhiyay

Health

Warbixino hordhaca ah oo laga helay ilo wareedyo ayaa sheegaya in dadka u geeriyooda cudurka Covid-19 iyo kuwa kale oo maalinba maalinta ka dambeeysa ay sii kordhaya ayaa Saraakiisha Amaanka ee Maamulka Farmaajo waxaa ay sare u qaadeen qiimaha dhaqaalaha ku baxa Aaska….

Talaabadaan ayaa waxa culays hor leh saarty Ehelada Marxuumka ee aan awoodin dhaqaale ay ku aasaan, Wararka ayaa sheegaya in Guryaha loo diro Gaadiid dagaal oo ay Bokiisku wataan kuwaasoo ku qasba iney Bixiyaan lacago baad ah si Loo aaso Meydka.

Dhaqaalaha ku baxa Meydka lagu aaso ayaa  horay u ahayd $110 oo ah lacagta Maraykanka, lacagataan ayaa loo iticmaalaa qodida godka, iibsashada godka, iyo dhamaan agabka kale ee loo bahayn yahay oo ay ku jiraan alwaaxda iyo fuustada, Hadaba todobaadkii ugu dambeeyay waxey Maamulka Farmaajo ku kordhisay qiimahaas US$ 100 oo dollar oo ka baxsan lacagtii hore.

Ehelada uu Marxuumka ka baxay ayaa la faray in 100-US$ ay ku shubaan qasnada ama Koontada dowlada  u furtay aaska dadka u dhinta cudurka CoronaVirus iyo cudurada kale. Waxaa nasiib xumo ah in dadkii eheladooda dhinteen oo ku jira tacsi in hadana la dul-dhigo lacag dheeri ah taasoo lagu amray inay lacagtaas ku shubaan koonto dowlada leedahay ka dibna ay soo qaataan waraaqa cadayn ah inta aan la aasin Meydka.

30240cookie-checkDhaqaalaha Ku Baxa Aaska Oo La Kordhiyay