Cudurka Ku Dhaca Dheef-Shiidka Qaabka ugu Fudud ee Lagu Daweyn karo..

Health Somalia news

Caloosha Aadanaha Ilaahey Abuurtay ayaa ka kooban qaab dhismeedyo kala duwan, waxaana caabuqa uu saameeyaa xuubka caloosha ku dahaaran oo eebe ugu tala galay xifdinta unugyada caloosha, Xuubkaan ayaa ah midka ugu khafiifsan marka loo eego qaab dhismeedyada kale..

Calaamadaha ugu muhiimsan ee Bukaanada qaba gastiriga ay dareemaan waxaa ka mid ah, caloosha oo xanuun gubasho oo kale ah laga dareemo, xanuunku wuu kala duwanaan karaa isagoo dadka qaarkood ku noqda mid aad u daran, halka dadka qaarna uu u sahlanaado, Mararka qaarkood xanuunka ayaa laga yaabaa inuu hurdada ka soo kiciyo Qofka taasoo ku xiran hadba xaaladda uu bukaanku ku sugan yahay.

Waxaa kaloo lagu gartaa in Cunno-cunista oo ka yaraata Bukaanka, La labo badan, Daaco joogto ah, Matag iyo Laab xanuun, Dhalhaatiirta ayaa ku fasira sababaha ugu badan ee ku keena Gaaska ayaa waxaa ka mid ah; Bakteeriyada “Helicobacter pylori”, stress-ka iyo walwalka, cunno xumada iyo dawooyinka la iska qaato sabab la’aan.

Inkastoo ay fiican tahay talo ahaan inuu Bukaanku Dhakhtarka la xiriiro, hadana dad badan ayaa aaminsan in lagu daweyn karo si fudud hadii uusan heerkiisu gaarin (chronic) rajo beel cabitaanka basasha iyo khalka tufaaxa waana labo shay oo si fudud loo heli karo.

Khubarada Caafimaadka ayaa ku talisa in laga fogaado Raashinka shiilan ama saliidu iyo dufanku ku badan yahay, Cunnooyinka kulul ee xawaashku iyo Basbaasku uu ku badan yahay,

298310cookie-checkCudurka Ku Dhaca Dheef-Shiidka Qaabka ugu Fudud ee Lagu Daweyn karo..