Dhaqaale Badan Oo Lagu Dhacay Kenya.

Uncategorized

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa in Ganacsade dhaqaale ka dhacay Mas’uuliyiin iyo Shacbi Soomaaliyeed, kaasoo ka dhoofay Magaalada Nairobi, isagoo gacan ka helay Mas’uul ka tirsan Maamulka Uhuuru..

Xogtaan ayaa u tilmaamtay Diinah.com in Mr.Cabdallahi Maxamed Cali (Cabdalla Maalin) oo madax ka ahaa Forex Maalin, ayaa lagu baraarugsaneyn isagoo gaarigiisa uga tagay Parking Garoonka JKIA, wuxuuna La baxsaday Dhaqaale kor u dhaafaya 56,400 millions US$, iyadoo aan la hubin Dalka uu u baxsaday (Somalia or Mauritius, iyadoo ay ka mid yihiin Dadka laga dhacay Lacagta Mas’uuliyiin, Xildhibaano iyo xubno Maamulka Farmaajo.

Dadkii laga dhacay lacagta ayaa maalmihii u dambeeyay ku wareegayay Bangiyada dalka Kenya  iyaga oo raadinaya halka ay lacagtoodii ku danbeeysay. Nin ku sheegay magaciisa Shiikh Cabdulla Kulow ayaa sheegay in isagu ay kaga dhuntay lacag kor u dhaafeyso $200,000 oo doolar, lacagtaas ayaana uu sheegay in ay ka timid guryo uu ku lahaa xaafada South C ee dalka Kenya kuwaas oo uu dhawaan iibiyay.

Nin lagu magacaabo Cabdiwali Garyare oo ka mida ganacsatada  dhalinta yar ayaa isna sheegay in lacag uu dad ka soo uriyay oo gaarayso $2.5 Milyan Dollar ay ka maqan tahay Cabdalla Maxamed cali, waxaana loo haystaa lacagtii  luntay.

Professor Ibrahim Bursaliid ayaa dhankiisa sheegay im beesha Mariixaan kaliya ay ka luntay lacag kor u dhaafeyso  $40 Milyan.  “.. walaal beesha Mariixaan waa la baartay, waana la furtay, wixii  ay lacag lahaayeen waa laga lunsaday” ayuu yiri Ibrahim Bursalid.

22990cookie-checkDhaqaale Badan Oo Lagu Dhacay Kenya.