Ciidamo Ku Dagaalamay Garoonka Diyaaradaha Mogadishu

Uncategorized

Dagaal hub iyo gacan ka hadal ka dhex qarxay Ciidamada NISA iyo kuwa Socdaalka ayaa ka dhacay gudaha garoonka diyaaradaha Ee Magaalada Mogadishu, kaasoo geystay khasaare dhaawacyo ah oo labada dhinac soo kala gaaray….

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dagaalkaan uu ku bilaawday Xubno ajnabi ah (Qatar, Eritrea) oo u socday Hey’adda NISA, ayaa lagu murmay shalay in la baaro baasabooradooda, kadib saakay ayeey Koox NISA ka tirsan ay u gacan qaadeen xubin ka tirsan Xafiiska Socdaalka, kadibna waxey kooxda NISA weerar ku soo qaadeen shaqaalaha Xafiiska Socdaalka, waxaana la sheegay in 2-ka tirsan Hey’adda Socdaalka ay dhaawacyo culus u geysteen, iyagoo burburiyay qalabkii iyo muraayadihii Xafiisyada Socdaalka.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in gacan ka hadalka uu ka dhacay qeybta lagu hubiyo dadka dibadda ka yimaada, waxaana labada dhinac la sheegay in uu soo kala dhax galay is fahmi waa sababay in gacmaha iskula tagaan.

113170cookie-checkCiidamo Ku Dagaalamay Garoonka Diyaaradaha Mogadishu