Warbixino hordhac ah ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaqyo Colaadeed iyo abaabulo iska soo horjeeda laga wado Magaalada Dhuusa mareeb iyo Degaanka Bohol oo ay ku xoogan yihiin Xoogaga Ahlu Sunna, oo qiyaastii 30km dhinaca waqooyi kaga beegan tahay magaalada..
Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay in Maalmihii ugu dambeeyay ay Dowladda Federaalka ay ku daadgureysay Magaalada Dhuusa mareeb Ciidamo ka tirsan qeybaha kala duwan ee Boliiska, Xoogga Dalka iyo NISA, Ciidamadaan ayaa lagu xoojinayaa kuwa ku sugan Magaalooyinka Guricel iyo Dhuusa mareeb.
Halka Xoogaga Ahlu Sunna ay ku jiraan diyaar garowgii ugu dambeeyay waxaana la sheegay inay damacsan yihiin weerar ay ku qaadaan magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug, Cabdullaahi Cabdi Raage oo ka tirsan Horjoogayaasha Xoogaga Ahlu Sunna ayaa mar sii horeysay bartiisa Facebook ku soo qoray “Ama Dhuusamareeb ama geeri, Insha’Allah.”
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegay in Koox sahan ah oo ka tirsan Xoogaga Suufiyada habeen hore la sheegay inay yimaadeen degaanka Gadoon ee bariga Dhuusamareeb, talaabadaan ayaa la sheegay in Dadka degaanka iyo Saraakiisha Ciidamada inay baqdin gelisay Gurmad deg deg ah la weydiistay Villa Somalia.