Abaaraha & Macuulsha Dalka Ka Taagan & Kharashaadka 12-ka April

Somalia news

Warbixintii ugu dambeeyay ee ay shaaciso Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in 6-Millions Muwaadiniin Soomaaliyeed ay u baahan yihiin gargaar bini’aadanimo oo deg deg ah ay ku jiraan 330-Caruur qarka u saaran macluul & nafaqa darro…

Ayaan darrse, Maamulka Fashilmay ee Farmaajo ayaa sida wararku sheegayaan inuu ku bixiyay u dabaal dega munaasabadda 12-ka Apriil ku qarash kor u dhaafaya lacag dhan 3-Millions US$ xili Gobolada & Degmooyinka dalka qaarkood ay ka jirto macluul baahsan biyo la’aan oo dad iyo duunyo saameysay.

Farmaajo Shantii sano ee u dambeysay ee uu Xafiiska Villa Somalia fadhiyay waxba kama qaban la dagaalanka, zgaajada, Biyo la’aanta, Abaarta & kooxaha argagixisada kuwaasoo sii kordhiyay weerarada iyo dilalka ay ku beegsanayaan Shacbiga Soomaaliyeed.

Nasiib darro taas badalkeedna wuxuu ciidamadii qaranka u adeegsaday inuu ku weeraro Madaxii hore ee Dalka, Siyaasiyiinta ka fikirka duwan iyo inuu ku burburiyo Maamul Goboleedyada dalka qaarkood, isagoo dhaqaale badan ku bixiyay kuwo macmil ah oo danhiisa u fuliya.

182100cookie-checkAbaaraha & Macuulsha Dalka Ka Taagan & Kharashaadka 12-ka April
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com