Wararka naga soo gaaraya degaano hoos taga Gobolka Mudug qeybta Galmudug, ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda ay ka jiraan degaanka Wisil iyo degaanada ku xeeran, degaanka Wisil ayaa waxay u dhaxeysaa Degmada Gaalkacyo iyo Hobyo…
Wararka ayaa sheegay in Xoogagaan iska soo horjeeda ay kala yihiin Ciidamada Dowlada Galmudug iyo kuwa Maleeshiyaadka Shababka, dhaqdhaqaaqaan ayaa soo if baxay kadib markii todobaadkaan ay Dadka degaanku dileen afar nin tuulada Balli-cameey oo hoos-tagta Wisil.
Xogta ayaa xaqiijisay in 4-taan nin oo lagu tuhmaayo iney ka tirsanaan jireen Kooxda Shababka ayaa waday xiliga la dilaayay howlo Miino ku aasid ah wadooyinka, Iska horimaad dhex maray 4-ta nin iyo Dadka degaanka ayaana la sheegay in lagu dilay afartaasi nin.
Sidoo kale iska horimaad u dhaxeeyay Shabaabka iyo dadka degaanka ayaa ka dhacay tuulada Qaraarow oo xigta dhanka Hobyo, iyadoona dadka degaanka ay ka hortaggeen weerar ay Maleeshiyada Shabaabka ku doonayeen inay kula wareegaan tuuladaasi, Ciidamada Daraawiishta Galmudug ayaa goor dambe gaaray tuulada Qaraarow.