Beelaha Degaanada Galmudug & Hirshabelle Qaarkood oo lagu Eedeeyay iney Xagal-Dacinayaan Dagaalka..

Somalia news

Mudadii Bisha aheyd ee Madaxweynaha Somalia uu ku sugnaa magaalada Dhuusa mareeb si uu Beelaha Degaanadaasi ugu qamciyo in galaan dagaalka ayaa ku soo dhamaaday fashil, kadib markii Beelaha qaarkood ay si cad u diideen iney dagaalka kaqeyb galaan halka kuwa kale at Shuruudo ku xireen…

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in diidmadaan ayaa waxaa u sabab aheyd dagaalkii Cowswayne oo ay wararka qaar xitaa sheegayaan inay Ciidamada DF duqeeyeen diyaarado amar ka haysta isla madax ka tirsanayd DF Somalia, taasoo sii kordhisay khasaaraha.

Beesha Madaxweynaha uu ja soo jeedo ayaa la sheegay iney gebo ahaan ka soo baxeen degaanadoodii oo ay ku noqdeen Degmada Cadale, iyagoo ka niyad jabay Qorshe xumida Madaxweynaha ee Dagaalka, ku darsoo, Axmed Qor Qor uu ka mid yahay ragga xagal-daacinaya dagaalka oo sidoo kale shaqsiyaadka kale lagu eedaynayo.

Beelaha Duduble, Murusade, Saleymaan iyo Xawaadle ayaa si cad u diideen iney dagaalka ku biiraan, isku soo wada duub Qorshe xumid Istraateejiyada Dafaal gelinta ee Dowladda ayaa waxaa uga sii daran Khilaafka u dhaxeeya Wasiirka Gaashandhigga iyo Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka.

275690cookie-checkBeelaha Degaanada Galmudug & Hirshabelle Qaarkood oo lagu Eedeeyay iney Xagal-Dacinayaan Dagaalka..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com