Saaxiibada Somalia Oo Dowladda Federaalka Ku Wareejiyay 52-Millions US$

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Saaxiibada Somalia ayaa u soo shubtay 52-millions US$ ah oo ay ku jirto dhaqaalihii loogu tala galay Mushahaaradka & Gunooyinka Senatorada & Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka 11-aad…

Wararka ayaa sheegay in Dhaqalaahaan ay Xukuumada Rooble ka bixisay 13-millions US$ oo Maamulja Somaliland la siiyay, si ay ugu maareeyaan Musiibadii Dabkii burburay Suuqii Waaheen, Waxaa lagu shubay Accounts uu Maamulka Somaliland uga furan Dahadshiil.


Dhaqaalahaan ayaa la sheegay Inta soo hartay, Waxaa gacanta ku haysa Dowladda Fadaraalka ah ee uu hogaamiyo Ra’iisalwasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Warbixintii ugu dambaysay ee ay kala qaateen Wakiilada Beesha caalamka iyo Gudiga Doorashada, waxayna ugu sharaxeen 4-Kursi ee la hakiyay sababta horseeday in la reebo, Waxay u badan tahay in 12-ka bisha ama 10-ka Bisha loo qaybiyo Mushahaarka Xildhibaanada, iyadoon la siin doonin Xildhibaankii aan haysan Aqoonsi, 41-Senator & 184-Xildhibaan ayaa hada qaatay Shahaadada, waxayna ka dhigan tahay Sadex meelood oo Labo in Baarlamaanku diyaar yahay.

180770cookie-checkSaaxiibada Somalia Oo Dowladda Federaalka Ku Wareejiyay 52-Millions US$