Share the post "Dib-udhac ku yimid shaacinta Urur Siyaasadeedka cusub ee Villa Somalia…"
Macluumaad ayaa laga helayaa dib u dhac ku yimid munaasabad lagu shaacin lahaa urur siyaasadeedka Cadaalada iyo Wadajirka oo ay ku midaysan yihiin Madaxda sare ee DFS, kuwa Maamulada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, xubnihii hore ee xisbiga UPD iyo xubno ka tirsan Dowlada…
Xuuraano loo qaateen ayaa xaqiijinaaya in lagu howlan yahay xalinta khilaaf ka dhashay saami qabysiga Xilalka ugu sareeya ee Ururka oo uu dood ka keenay saami qeybsiga Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), isagoo ku adkeystay in Xilka Xoghayaha Ururka la siiyo Maamulkiisa hadii kale uusan ka mid noqon doonin taaasoo dhalisay in wada tashi dib la iskugu laabto si loo xaliyo khilaafka taagan.

Qoraal ka soo baxay guddiga qaban qaabada ayaa sheegay in xafladdu dib ugu dhacday sababo farsamo, ayna ka qaybgalayaasha dib kala wadaagi doonaan xilliga rasmiga ah ee ay dhici doonto, “Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka waxa uu ku wargelinayaa ergadii ku casuumaneyd shirweynaha Ururka in Xafladdii Shirweyanha ee lagu madlanaa inay dhacdo shalay oo ay taariikhdu tahay 07-May-2025 inuu baaqday. Waxaan ka cudur daaraneynaa dib-u-dhaca, dib ayaan idinkaga soo sheegi doonnaa taariikhda iyo goobta lagu qabanayo shirka”