Jubbaland & Ethiopia Oo Ka wada Hadlay Amniga Xuduudaha Gobolka Gedo

Somalia news

Warar ay soo saareen Taliska Ciidamada Ethiopia ayeey ku sheegeen iney kulamo ay kula yeesheen Magaalada Kismaayo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland iyo Saraakiil ka tirsan Maamulkiisa, iyadoo looga arrinsaday Xaalada Amni ee xuduuda u dhaxeysa Ethiopia & Somalia..

Kulankaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Taliyayaasha Sektarada 3-aad (Gen.Zewdu Setarge, 6-aad (Gen. Ababaw Seid) ee Amisom (Ethiopia), Taliyaha Ururka 5-aad ee Ciidamada Ethiopia (Col. Assefa Mekonnen & Saraakiil ka tirsan Ciidamada Daraawiishta & NISA ee Jubbaland. iyadoo looga dooday sidii la iskaga kaashan lahaa Qabashada Doorashada (Gobolka Gedo), Khilaafka Villa Somalia & Jubbaland, la-dagaalanka Kooxaha Argagixisada iyo adkeynta Amaanka degmooyinka Doolow & Luuq.

Wararka ayaa sheegay in Saraakiishaan Ethiopia ay sheegay in Somalia xiligaan ay isku biiraadeen Khilaafyo u dhaxeeya Villa Somalia & Maamulada Gobolada qaarkood, Dagaal beeleedyo, weerarada Kooxda Shababka iyo Qodobo kale, waxeyna cadeeyeen iney diyaar u yihiin iney kala shaqeeyaan xaqiijinta Nabada iyo Amaanka gaar ahaan in la dhexdhexaadiyo dhinacyada Khilaafka ka dhaxeeyo.

171770cookie-checkJubbaland & Ethiopia Oo Ka wada Hadlay Amniga Xuduudaha Gobolka Gedo