Ma Dhabaa in Kulankii Xalay ee Hogaamiyayaasha Soomaalida Lagu Go’aamiyay Eryida Danjiraha Ethiopia..

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Kulan xalay wada yeesheen Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka, Wasiirka 1-aad iyo Maamulada Gobolada oo aysan ku jirin Puntland ayaa looga dooday Xiisada Faragelinta Ethiopia ee Midnimada iyo Qaranka Somalia, ayaa looga dooday waxaana lagu Go’aan lagu gaaray in Barlamaanka la horeeyo Maanta..

Ilo Wareedyo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in la isla meel dhigay in loo yeero Danjiraha Somalia ee Ethiopia, isla markaasna lagu dhawaaqo in Danjiraha Ethiopia uu yahay (Persona non Grata), Go’aankaan ayaa sidoo kale waxaa taageeray Madaxweynayaashi hore Sheekh Shariif, M.Farmaajo Ra’iisul wasaarayaashii Xasan Cali Kheyre iyo Maxamed Rooble.

Maamulka Gooni Goosadka Somaliland ayaa si aan waafaqsaneyn Shuruucada Dalka u saxiixay inuu ka kireeyay 50-sano iney Xeebta Seylac Ciidamada Ethiopia ka dhistaan farsiimo Ciidamada Badda, iyadoo lagu wafo in laga dhiso Deked ay Maraakiibta Ganacsiga iyo kuwa Ciidamada ku xirtaan, sida la ogyahay Ethiopia oo deyntii iska bixin weyday ay ku laheyd EU-da ayaa la qorsheyneysa in Base-kan ay u maalgeliyaan UAE iyo France.

📸 Look at this post on Facebook https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=pfbid0Vwd6ER35sQz2JThodpmUK7iTRZ25s3wp8TvjoWwWmAQYkZ1Zu1mvoxssCGpB2Ufgl&id=100000482911474&mibextid=WC7FNe

297910cookie-checkMa Dhabaa in Kulankii Xalay ee Hogaamiyayaasha Soomaalida Lagu Go’aamiyay Eryida Danjiraha Ethiopia..