War degdeg ah:-Ciidamada Maamulka Farmaajo ayaa Rasaas u adeegsatay Dibad-baxayaal si nabad ah isugu soo baxay Fagaaraha Daljirka Dahsoon ee Magaalada Muqdisho, kuwaasoo ka cabana ayaa Baada, Isbaarooyinka Magaalada dhex yaala iyo amni xumida…
Bannaan-baxa ayaa sida la sheegayo looga horjeeday Maamulka Fashilmay ee Farmaajo ayaa waxaana soo qaban-qaabiyay Xisbiyada Mucaaradka ah ee ka dhisan Magaalada Muqdisho kuwaasoo ka walaacsan Arrimaha Doorashooyinka soo socda.

Wararku waxay sheegayaan in Dowladda Ciidamo fara badan ku daadisay Fagaaraha Daljirka Dahsoon halkaas oo ay isu’gu soo baxeen dadka Bannaan-baxa samaynayay si ay dareenkooda u muujiyaan.

Ciidamadaan ayaa sidoo kale la sheegaya in ay Rasaas u adeegsadeen Dadka Shacabka ah ee Dibad-bax ka samaynayay Taallada Daljirka Dahsoon, inkastoo aan la ogeyn iney ja dhasheen khasaare, waana markii ugu horeysay ay dibad-baxayaal ay Soo qaban qaabiyaan Dallada Midowga Xisbiyada Mucaaradka.
Guddoomiyihii hore degmada C/casiis Cusmaan Muxiyadiin Cariif oo ka mid ahaa maamulayaasha banaanbaxa ayay Ciidamada Boliiska ka xireen fagaaraha Daljirka Dahsoon, kaddib markii Ciidamada ay rasaas ka dhacda qoriga Dhashiikaha u isticmaaleen inay ku kala eryaan dadka banaan baxa dhigayay.