Villa Somalia Oo Dalka Dib Ugu Celineysa Dagaal Sokeeye

Somalia news

Waxaa Maalmihii ugu dambeeyay soo shaac baxayay in laga raja dhigay Oo lagana quustay Maamulka Fashilmay ee Farmaajo inuu dhowro heshiisyadii Bulshada (Qabyo Qoraalka) Oo ay wada gaareen Inta badan Siyaasiyiinta, Waxgaradka iyo Odayaasha Dhaqanka ee soomaaliyeed, taasoo Saldhigg u aheyd Doorsho xor iyo xalaal inta Dalka laga hirgeliyo….

Dadaalo badan oo loogu caqli celinaayo Mr.Farmaajo, ayaa ugu dambeyntii ku soo dhamaaday quus iyo rajo beel, waxaana jira dhaqdhaqaaqyo iyo abaabul ay wadaan Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta dareenka Wadaninimo ay ku weyn tahay, kuwaasoo u istaagay sidii loo badbaaday lahaa in Dalka uu dib ugu laaban dagaalo sokeeye, waxaana la diyaariyay tiro Banaanbaxyo nabadeed Oo lagu dalbanaayo inuu Hogaanka Villa Somalia ay si shuruud la’aan ah uga dagaan talada Dalka, kadib markii ay ku fashilmeen iney 4-sano ee ugu dambeysay Dalka Gaar siiyaan Doorsho xor iyo xalaal.

Kooxda Ololaha Doorashada farmaajo ayaa dhinaca kale ka wada abaabulo iyagoo adeegsanaaya Fanaaniinta & dhalinyarada isticmaasha Barta TikTok oo leh Flowers badan iyagoo sandareerto yar oo laaluush ah si ay fariimo abuurayo cabsi-gelin, colaad & mid bulshada lagu marin habaabinayo ugu gudbiyaan Bulshada. 

Mr.Farmaajo & Agaasimaha NISA Adeege Fahad Yaasiin markii ayka quusteen isku dayada ay cimriga ku dheereysanayo isla markaasna ay dusha u saari rabeen Mas’uuliyada Fashilka Wasiirka 1-aad, ayeey waxeey bilaabeen abaabul dagaal toos ay lagalaan Xisbiyada Mucaaradka & Tageerayaashooda.

46030cookie-checkVilla Somalia Oo Dalka Dib Ugu Celineysa Dagaal Sokeeye