Ilo Wareedyo amaan ayaa soo saaray digniino ku aadan in Muqdisho ay soo galeen Xubno ka tirsan Kooxda argagixisada Shababka kuwaasoo qorsheynaaya iney weeraro ku qaadaan tiro goobo cayiman oo u badan Wasaaradaha Dowladda, Hoteelka iyo Suuqyada gaarka ah…
Xogtaan ayaa intaasi raacisay in Muqdisho ay soo galeen ugu yaraan Koox ka kooban 13-xubnood oo u badan Rag kuwaasoo dhamaantoodba la sheegay in ay u xeranyihiin Jaakadaha Qarxa islamarkaana damacsan in xiliyo kala duwan ay weeraro ka geestaan goobo kala duwan oo Muqdisho ah.
Waxaana loo baaqay Shacbiga Magaalada Mogadishu iney feejgnaan dheeraad ah muujiyay isla markaasna xakameeyaan goobaha Dadka ku badan yahay, iyadoo Ciidamada Dowladda ay bilaabeen baaritaan iyo feejignaan amni kadib xogo amni oo la helay, sida ay ogaatay Diinah.com news.