Faragelin Fahad Oo Dhalisay Kala Qeybsanaanta Guddiyada Doorashada Hir-Shabelle

Somalia news

In muddo ah waxaa ka dhex taagan Khilaaf xoogan Guddiyada Doorashada Hir-Shabelle, kadib markii ay timid faragelin toos ah oo Agaasimaha NISA, iyadoo Guddigaan uu ka kooban yahay 11-xubnood, ayaa magacaabistooda Waxaa saameyn weyn ku lahaa Adeege Fahad Yasin…

Xogtaan ayaa u xaqiijisay Warsidaha Diinah.com news in markii la dhisay guddigaan mar kale loo doortay Gudoomiye xubin Fahad Taageersan, wuxuuna hadda ku qasbayaa in Xogheynta Guddiga Doorashada loo magacaabo xubin ay isku jufo hoose yihiin si marka uu isku soo sharaxo Kursiga uu ku fadhiyo Xildhibaan Faarax Cabdulqaadir Ee #Hop086 ugu shubto.

Xubinta farta lagu fiiqay ayaa lagu magacabaa Maxamed Xuseen Ceynte, iyadoo 11-xubnood Ee Guddiyada Doorashada ay awoodi waayeen iney xal u helaan Khilaafka hab-raaca uu ku shaqeynaayo, taasoo ugu wacan in Awoodaha Gudoomiyaha loo xawilaayo Xoghaye uu ku sii tufay Adeege Fahad, arrintaan Dadka ka dagi weysay ayaa ah in tir yar oo guddigaasi ay difaacayaan madax banaanida Guddiga, halka inta badan ay noqdeen kuwa ku yimid rabitaanka Fahad iyo Farmaajo, Cali Guudlaawe ayaa awood u laheyn inuu Khilaafka xaliyo.

134450cookie-checkFaragelin Fahad Oo Dhalisay Kala Qeybsanaanta Guddiyada Doorashada Hir-Shabelle