Kulanka Dib U Heshiineed ee Garoowe & Caqabadaha Fashilin kara Gogosha Siyaasadeed

Somalia news

Muuqaal ay baahisay Xafiiska Madaxtooyada Maamul Goboleedka Puntland laguna sheegay in Gogol Siyaasadeed lagu qaban doono magaalada Garoowe ajandihiisuna yahay Xaalada qalafsan ee Wakhtigaan ka taagan Somalia, iyadoo Deni uu sheegay inuu Madaxweynaha Somalia ka oggolaaday ka qeyb galka Madasha…

Inkastoo aan la cayimin taariikhda la qabanaayo, ku darsoo Ra’iisul wasaare Kuxigeenka Dowladda Federaalka Mr.Saalax Jaamac ayaa sheegay in loo xil saaray diyaarinta Ajandaha Kulanka wallow uusan la wadaagin Saxaafada iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka, Talaabadaan ayaa dhalisay dood ku saabsan Doorka iyo Kaalinta Wasiirka 1-aad ee Dowlada Federaalka Mr.Xamse Cabdi Barre.

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in Ajandaha Kulanka ugu weyn uu yahay Wax ka bedelka Dastuurka kaasoo hoos imaanaya Awood/saami qeybsiga iyo heykalka Dowladnimo ee Somalia, iyadoo Gudoonka Baarlamaanka ay mudeeyeen jadwalka wax-ka-bedelka Dastuurka qeybintiisa 12-Feb-2024 ilaa 6-da March cutubka 1-aad ilaa 4-aad (hoose ka eeg).

Arrimaha Fashilin kara Gogosha Siyaasadeed

Falaqeeyayaasha Arrimaha Siyaasada Somalia ayaa u arka in Kulankaan uu fashilmi karo hadii aan dhinacyadaan qaadin talaabo dhabaha u xaari karta inuu dhicisoobo Madashaan, iyadoo weli aan la turxaan bixin Qodobada laga doodaayo ay ka mid yihiin wax ka bedelka Dastuurka, Saami qeybsiga Beelaha iyo Awoodaha Maamulada Gobolada, Wareejinta Dekedaha iyo Ciidamada.

kooxaha Mucaaradka iyo Maamulka Puntland ayaa si adag uga soo horjeeda habraaca ay ansixiyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka, iyagoo u arka in la mudeeyo Wax kabedelka Dastuurka ay astaan u tahay in Maamulka Villa Somalia aysan diyaar u aheyn xiligaan iney wakgti ku lumiso Wada hadal, inkastoo Xasan Sheekh uu (2-da Madaweyne hore) Sheekh Shariif iyo Farmaajo uu siiyay Muddo 2-todobaad ah iney war cad ka keenaan Madaxweynaha Maamulka Puntland inuu diyaar u yahay inuu Maamulkiisa hoos keeno Dowlada Federaalka soona wareejiyo Dekedaha Boosaaso Garacad iyo Maamulka Ciidamada Daraawiishta.

305860cookie-checkKulanka Dib U Heshiineed ee Garoowe & Caqabadaha Fashilin kara Gogosha Siyaasadeed
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com