Share the post "Digniino Amni oo Laga Soo Saaray Degaano Badan Oo ay Ku Jirto Garoonka Diyaaradaha Mogadishu.."
Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa degniino halis amni xambaarsan ayaa laga soo saaray iney ka dhici karaan Degaano badan oo Dalalka Somalia Ethiopia iyo Kenya ayna ku jiri karto garoonka Diyaaradaha iyo Degaanada Waqooyi bari Kenya inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadan..
Xuuraanada la helaayo ayaa tilmaamaya kooxda Argagixisada Shababka ay dejiyeen dhowr qorshe oo ay Amaanka ku khalkhal gelinayaan ayna ka mid noqon karaan falalka Afduub, Qaraxyo, iyo Weeraro kale oo ka dhacay Kenya iyo Somalia, Waxaa laga yaabaa inay qaadaan weeraro digniin ah ama digniin la’aan, iyagoo beegsanaya Garoomada Diyaaradaha iyo Dekedaha, Baraha Koontaroolada, Xafiisyada Dowladda, Hoteelada, Maqaayadaha, Goobaha laga dukaameysto Malls, iyo meelaha kale ee ay isugu yimaadaan dad badan oo reer galbeed ah.
Khatarahaan Amni ayaa sidoo kale ka dhici kara Dalalka Ethiopia iyo Kenya iyagoo laga cabsi qabo in la beegsado Xafiisyada Dowlada gaar ahaan Magaalooyinka Waqooyiga Lamu & Mandheera ee Kenya, Qaababka weerarada waxaa ka mid ah, laakiin aan ku xadidnayn, Qaraxyada baabuurta, is-qarxinta shakhsiyaadka weerarada Unugyada, iyo Hoobiyayaal Falalkasn ayaa dhici kara ka hor 17-ka bidha Ramadan.