Villa Somalia Iyo NISA Oo Afduubtay Gudiyada Doorashada

Somalia news

Guddiyada Doorashada ee dhowaan ay magacaabeen Dowladda Federaalka ayaa la sheegay iney gacan bidixeeyeen Villa Somalia iyo Hogaanka NISA, iyagoo ka buuxiyay Kaadiriintoodii jidbeysnaa, iney ka mid noqdaan Guddiyada Doorashada ee heer Federaal iyo inta badan kuwa Gobolada….

Waxaana la sheegay in cabasho xoogan laga keenay magacaabistaasi, iyadoo si adag loogu muujiyay in aan la aqbali karin in Taageerayaasha Villa Somalia ay maamulaan Doorashada, iyadoo laba beelood loo sad bursiiyay iney ka soo dhex muuqdaan Guddiyada Doorashada kuwaasoo kala ah Beelaha Mareexaan iyo Reer aw xasan.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya In Guddiyada Maamul Goboleedyada Galmudug, Hir-Shabeele iyo Konfur galbeed ay saameyn ku leeyihiin xubno ka soo jeeda labada Beelood, Sidoo kale Guddiyada Heer Federaalka ayaa sidoo kale la mid ah, iyadoo uu soj xulay Agaasime Kuxigeenka Madaxtooyada.

Aqoonyahaan Prof.Kabire Ayaa sheegay “ineysan suurto gal aheyn in Masiirka Doorashada Dalka ay iska maamushaan wiilal yar yar oo aqoontooda iyo waaya aranimadooda ay hooseyso, wuxuuna ka digay in dalkaan dib loogu celiyo halkii laga keenay”.

Ilo wareedyo Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Xubnahaan lagu Farayare Guddiyada ay la xiriirta iney xogo iyo macluumaad ka uruuriyaan kadibna la wadaagaan Mr.Farmaajo iyo Adeege Fahad iyo sidoo kale iney cabsi geliyaan Xubnaha kale Ee soo xulayaa Xildhibaanada cusub.

70980cookie-checkVilla Somalia Iyo NISA Oo Afduubtay Gudiyada Doorashada