Qeylo dhaan Laga Keenay Suuq Xumo ka Dhalatay hoos u dhac Wax soo-saarka Biro tumista..

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa cabasho iyo qeylo dhaan ay soo saareen Farsamo yaqaanada Biraha Farsameeya kuwaasoo sheegay iney awoodi waayeen maaraynta noloshooda Qoysaskooda, waxeyna wajahayaan suuq xumo ka dhalatay hoos u dhac ku yimid wax soo-saarka biro tumista oo ahayd isha kaliya ee ay ku tiirsanaayeen…

Wararka ayaa sheegay in Saameynta suuq yarida ayaa saameeyay tiro agabyo kale duwan oo qiimo ahaan ay isku mid yihiin laakin Dalka Dibaddiisa laga keeno oo magaalada ku soo kordhay, waxaa kamid ah, Mindiyaha, Yaanbooyinka, Masaarta, Birqabatada, Bir-canjeerada, Waxeyna sahleen in loo iibsan waayay alaabtooda, kuwo ka dhaldhalaal fiican banaanka (Dibadda).

Farsamo-yaqaanada ayaa sidoo kale cabasho ka keenay Biraha duuga ah oo Ganacsato ka dhoofiyaan Dalka ayna soo dedejisay suuq xumada saameysay Farsamayaqaanada biraha ee Muqdisho, Waxeyna ugu baaqeen Dowlada Federaalka iyo Maamulada Gobolada iney il naxariis ku eegaan Dhibaatada xiligaan heysata Muwaadiniintaan.

285430cookie-checkQeylo dhaan Laga Keenay Suuq Xumo ka Dhalatay hoos u dhac Wax soo-saarka Biro tumista..