Digniino Laga Bixiyay Xaalada Amaan Ee Magaalada Mogadishu

Uncategorized

Saraakiil ka tirsan Hey’adaha Amaanka (Boliiska & NISA)sirdoon ayaa ka deyriyay xaalada amaan ee guud ahaan Demooyinka uu ka kooban yahay Gobolka Benaadir, kadib markii ay aad u kordheen Weerarada ay soo qaadayaan Maleeshiyaadka kooxda Shababka…

Xogtaan ayaa tilmaamtay in laga qabo in Xoogaga kooxda argagixisada Shabaabka ay isku dayaan inay qabsadaan mid ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, Saraakishaan farta ku goday iney dhici karto in 5-Bisha Maarso, ay weeraro qorsheysan ku beegsadaan Degmooyinka kala ah Yaaqshiid, Kaxda, Heliwaa iyo Dayniile.

Degmooyinkaan ayaa horey u ahaa meelo amnigooda uu hooseeyo, isla markaasna ay kooxda Shabaabku ku xoogan yihiin xiliyada habeenkii oo lagu arko qaar ka mid ah Maleeshiyaadkooda, Kooxdaan ayaa kordhiyay weerarada & Dilalka qorsheysan ee ka fuliyaan magaalada labadii todobaad ee ugu dambeeyay kuwaasoo geystay khasaare dhimasho & dhaawacba leh, iyagoo bililiqeystay laba Gaari oo Boliiska iska leeyahay.

171430cookie-checkDigniino Laga Bixiyay Xaalada Amaan Ee Magaalada Mogadishu